FADLAN LIKE HORAY U sii saar Muuqaalka oo Cimaamada Nagu tuura,HADAAD nagu cusubtahayna SUBSCRIBE

FADLAN LIKE Subscribe Saar Chanalkeena kale ee Khadar FUNNY SHOW goordhow warbixino xiiso leh Naga filo

https://www.youtube.com/channel/UCNtv841Q5RcYTbMCqDw2rIghttps://bit.ly/3SnbXiJ

41 Comments

  1. Heerka uu gaaray burburka cr7.meesi😢waa uu ka weyn yahay dhisme iyo wadooyin burburay, waxaa burburay dhaqankii sarriigashada iyo ilaalintii qiyamka umadeed (values).
    In ay arday isku laayaan doorasho dhexdooda ah oo oo ay gaarto heer dhimasho wax la dhayalsan karo maaha. Waana gartood oo kuwii ka waaweynaa ee ay ku dayanayeen oo doorasho isku dilaya ayey arkaan mar walba, marka waxay u qaateen inay wax fiican tahay iskudilka doorashadu.
    Waxaa tusaale kuugu filan; tuulooyinka aad ayaa looga qayilaa oo ragga waaweyn iyo dhalinyarada dhexeba qaadku waa u camal maalmeedkooda. Sidaa darteed ciyaalka yaryar waa ay ku hamiyaan inay iyaguna mar qayilaan oo ay sida nimankaas waaweyn ee wanaagsan inta shaatiga 3da badhan ee sare furtaan meherada farxiyo jaamac ay la fariistaan (far) qaad ah.
    Waxaana dhacda inay marar badan si qarsoodi ah u feentaan garaabadii ka hartay nimankaas qayila.

    Lakiin goortii ay ciyaalkaas waaweynaadaan oo kii haleela uu magaalo soo galo oo uu wax barto waa uu la yaabaa wixii uu ku hamin jirey markii uu tuulada joogay.

    Si ka duwan sida ciyaalka tuulada, ciyaalka magaalada qaadku waa u ceeb iyo drug qofkii cunana waxay u arkaan mid nolosha ka dhacay oo mooryaan ah mustaqbalna aan lahayn.
    TAASNA WAA MUCJISADA MINDSET-KU AMA SI WAX U ARAGGU UU LEEYAHAY.

    Marka hadii maanta ay caruurtii iskuulada dhiganaysay ay doorasho isku laayaan hadde waxaa sabab u ah nimanka siyaasiyiinta ah ee doorasho darteed magaalada suugagga isku bilbilayey!

    Haddii la rabo in la helo bulsho hagaagsan oo aan caruurteedu doorasho isku layn, waa in role model-ka laga bedalaa siyaasiga.
    Sidoo kale waa in dugsiyada lagu soo kordhiyaa maadooyin dhisaya akhlaaqda iyo qiyamka iyo wadaniyadda ardayga oo kaliya aan lagu shubin ardayga maaddi qallalan oo aan dhaqankiisa waxba ka bedalayn.
    Ardayga xerowga ah markii uu kitaabada bilaabayo waxaa jira kitaab loo akhriyo oo la yiraahdo 'tacliimul mutacalim' oo baraya ardayga sidii uu wax u baran lahaa. Ujeedka ugu weyn ee kitaabkani waa in uu ardayga ka toosiyo una hagaajiyo qasadka waxbarashada, tawaaduca (isdhuldhigga) iyo in uu ilaahay dartiis wax u baranayo. Taas waxay keentaa in uu soo baxo xerow toosan oo ilaahay yaqaan tacliintana daacad u ah.

  2. Mk legend 2M coming soon I.A 🎉
    Viva Liverpool 🩸 ❤ viva Real Madrid 👑 🤍 🥰 viva bayern Munich ❤🥰 viva Roma 💛🥰❤ goat Ronaldo 🐐🇵🇹🥰❤ free palastine 🇪🇭 😢❤

Leave A Reply